Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Geeli baa Dhimasho Belaabay
Abaarta Soomaaliya ka dhacaday sanakaan waa mid aan weligeed soo barin ilaa inta la qoray dhibaatada abaaraha qarnigii aan soo dhaafnay. Waxaad meeshaan ku aragtaan geeli xoolaha ugu adkaa oo macluul u dhimanaya. Neefkaas geela ah meesha uu ku dhimanayo gobolada dhexe -waa galgaduud.
Waa dadkii ku noolaa galbeedka gobolka galgaduud ee xoolo dhaqatada ah oo abaar banu soo fotsaartay oo dhul fog u hayaamaya
Dadkii xoolihii intii badnayd way dhaafeen dadbaase weli isku deyeya bal in waxuun u badbaadaan sida darteed waad aragtaan gabadhaas arigeeda la raadinaysa meel uu wax cuna. Balse dhulku waa sifad oo muddo dheerna roob kuma da'in. Dhab ahaantii waa nolol adag haddii ayna tageero helina kama badbaadi karto xaaladaan adag.
MEESHAANU WAA GERIJIR OO XOOLIHII DADKII DHAAFEEN
Qofkasta ee Soomaali ah meelkasta ha joogee wuxuu ogsoonyahay xaalada maanta ka taagan Soomaaliya oo ah abaar gaag ma reebta ah iyo colaad aan dhammaad lahayn. Dadka intiisa badan waxay u sameeyeen gurmad goboladii ay ka yimaadeen waana ku mahadsanyiin xilkasnimadaas ee qofkastow xisaabtan maxaad ku tartay gobolkii iyo degmadii aad ka soo jeedey.
Dadka gargaara illahay ha idin gargaaree
war bixinta dhibaatada gobolada dhexe
Ku jaaliyadda dadka cayr ee UK UJEEDO warbixin Walaalayaal waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayna salaam guud oo ah Tan muslimiinta {asalaamucalaykum waraxmatulaahi wabarakaatu}Salaan ka dib walaalayaal waxaan halkan idiin kugu soo gudbinayna War bixin kooban oo ku saasabsan dhibaatooyinka haysta dadka ku nool degmada matabaan iyo inta u dhaw-dhaw.




